Gudoomiyihii Dhalinyarada & Ciyaaraha Degmada Xamar Jajab Oo La Dilay

0
232

Khamiistii Shalay ayaa waxaa gudaha degmada Xamar Jajab lagu dhaawacay gudoomiyihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha degmadaas.

Dhaawaca gudoomiyaha ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada,waxaana ugu dambeyn uu xalay u geeriyooday dhaawaicii loo geystay.

 

In kastoo weli aan la ogaan sababta ka dambeysa in Askarigu uu dilo gudoomiyihii Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha degmada Xamar jajab ayaa hadana weli waxaan ka hadlin maamulka degmada.