Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNICEF : Hal Malyan oo carruur ah ayaa geeriyoota maalinta ay dhashaan sanad walba

0
251

Warbixin ay soo saartay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in sanad walba ay dhintaan hal malyan oo carruur ah isla maalinta ay dhashaan dalka Soomaaliyana uu ka mid ah afarta dal ee ugu dhimashada badan leh caalamka ee ay caruurta sanad walba ku dhintaan.

Afarta dal ee ugu badan ee sanad walba ay ku dhintaan caruurta ayaa ah wadamada Pakistan,Jamhuuriyada Afrikada Dhexe (CAR),Afghanistan iyo Somaliya.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in 1.6million oo caruur ah ay dhintaan inta aysan dhamaysan bisha ugu horeeysa noloshooda.

In kabadan boqolkiiba siddeetan caruurtan geeriyoota ayaa waxa ay isugu jiraan qaar bilo dhamays aan ahayn,kuwo cuduro aan la garan ku dhaca iyoweliba caabuq sida lagu sheegay warbixinta maanta ay soo saartay UNICEF.

Hase yeeshee warbixinta ayaa lagu sheegay in loogaga hortagi karay geerida caruurta in la helo daryeel caafimaad,nafaqo iyo weliba biyo nadiif ah.

Wadanka Pakistan ayaa 22kii carruur ah ee dhasha uu mid kamid ah hal bil jirsan,halka wadanka Jamhuriyada Bartamaha Afrika 24kii ilmood ee dhasha uu mid ka mid ah geeriyoodo bisha ugu horeysa.

Sidoo kale wadanka Afghanistan ayaa 25kii caruur ahba uumid ka mid ah geeriyooday iyadoo wadanka Soomaaliya oo kaalinta afaraad warbixintan ka galay ay 26kii carruur ah ee dhashaba uu mid geeriyoodo bisha ugu horeysa.

Hase yeeshee dalka Japan ayaa warbixintan lagu sheegay inuu yahay wadanka ugu tirada yar leh ee ay caruurtu geeriyoodaan halka wadamada Iceland,Singabore iyo Finland ay ku soo xigaan.