HORDHAC: Arsenal vs Manchester CIty – Saadaalinta, Wararka kooxaha & Line-upka Macquulka ah

0
303

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa hogaamin dooona kooxdiisa Arsenal oo la ciyaareysa finalka EFL Cup kooxda Manchester City.

Tababare Wenger ayaa doonaya inuu ku guuleysto tartankaan markii ugu horeysay tan iyo markii loo magcaaabay shaqada Gunners 1996dii.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa doonaya dhankiisa inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horeeyay  kooxda ka dhisan waqooyiga-galbeed Ingiriiska.

Tababaraha  reer Spain ayaa doonaya inuu xaqiijiyo awooda uu xili ciyaareedkaan ku qaadayo seddexleey koobab ah ka dib markii laga reebay FA Cup horaantii Isbuucaan.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Wembley

SAACADA: 7:30 PM

MAXAA CUSUB?

Sawirka la xidhiidha

Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Aaron Ramsey uu tijaabin doono taam ahaanshihiisa saacadaha ugu dambeeya ciyaarta.

Mesut Ozil ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulankaan, inkastoo dhowr maalmood uu ka maqnaa tababarka, halka Aubameyang oo seegay Europa League uu diyaar u yahay kulanka caawa.

Wenger ayaa hore u xaqiijiyay in goolhaye David Ospina uu baaqi kusii ahaan doono goolka Arsenal, iyadoo Matt Macey loo badinayo inuu kursiga keydka kusoo bilowdo.

City ayaa waxaa ganaax kaga maqan Fabian Delph ka dib markii casaan loo taagay kulankii Wigan, iyadoo Guardiola uu daafaca dambeedka bidix uu u dooran karo midkood Danilo ama Oleksandr Zinchenko.

Claudio Bravo ayaa la rajeynayaa inuu goolka kusoo bilowdo, Otamendi ayaana kusoo laaban doona daafaca dhexe, laakiin Sterling ayaan la hubin inuu kusoo laaban karo shaxda City kadib dhaawac yar oo kasoo gaaray kulankii Basel ee horaantii bishaan.

XAQIIQADA KULANKAAN

Natiijada sawirka Arsenal vs Manchester City

Kulankaan waa kii 193aad ee labada kooxood u dhaxeeya tartamada oo dhan, iyadoo Arsenal ay guuleysatay 96 kulan marka loo fiiriyo 51 kulan oo ay badisay City.

Guushii ugu weyneyd Arsenal kasoo gaartay kulanka labada koox ayaa timid ka hor isbedelka guuud ee lagu sameeyay kooxda Manchester City.

Gunners ayaa wali heysata rikoor fiican kulamada ay wajahdo City,  shan guul iyo shan barbaro ayay heleen 17kii kulan ee ugu dambeyay labada koox.

Toban bilood ka hor, Arsenal ayaa Wembley ku garaaacday City, iyadoo Wenger guul kasoo gaaaray kulankii semi-finalka FA Cup-ka ee labada kooxood.

SAFAFLKA MACQUULKA AH

Arsenal:Ospina; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Wilshere, Ramsey; Iwobi, Ozil, Aubameyang

Manchester City:Bravo; Walker, Stones, Otamendi, Zinchenko; Fernandinho, Gundogan; Sterling, D.Silva, De Bruyne; Aguero.

SAADAASHA KULANKAAN

Saadasha isku celcelin laga sameeyay dunida waxaa lagu sheegay in kulanakaan 3-1 ku badin doonto Manchester City.