HORDHAC: Liverpool vs West Ham United- Reds Oo Isha Ku Heysa Kaalinta Labaad Ee Premier League

0
369

Liverpool ayaa kusoo laabaneysa horyaalka Premier League ka dib 10 maalmood oo aysan ciyaarin marka ay martigeliyaan kooxda West Ham United.

Reds ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jirtay bilihii lasoo dhaafay, iyagoo badiyay labo ka mid ah 24kii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan, waxaana ay labo dhibcood ujiraan kaalinta labaad ee Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Anfield

SAACADA: 6:00 PM

MAXAA CUSUB?

Klopp ayaa sheegay inuusan laheyn wax dhaawacyo cusub ah, iyadoo laga yaabo inuu isticmaalo shaxdii garaacday Porto kulankii wareega 16ka Champions League.

Emre Can ayaa kusoo bilaaban kara, inkastoo uu seegay kulankii kooxdiisa wajahday Porto, isagoo ganaax ku maqnaa, halka Adam Lallana iyo Alex Oxlade-Chamberlain labaduba kusoo laaban karan shaxda.

Dhanka labada ciyaaryahan ee horay ugu ciyaaray kooxda Southampton Virgil van Dijk iyo Dejan Lovren ayaa taam ah, taasoo la micno ah in Joel Matip uu kusii jiri doono kursiga keydka.

Moyes waxa uu soo bandhigay dhowr dhaawac oo ay kooxdiisu qabto, waxaana la filayaa inuu weli ka maqnaado daafaca Winston Reid, kaasoo qaba xanuun cunaha ah.

Jose Fonte ayaa laga yaabaa in loogu yeero shaxda koowaad, inkastoo lala xiriirinayo kooxaha ka dhisan Shinaha, halka Arthur Masuaku uu si toos ah u seegi doono kulanka Liverpool.

Sidoo kale Andy Carroll oo qaba dhaawac ayaa seegaya ciyaarta caawa, halka Manuel Lanzini oo loo arkayo bedelka Philippe Coutinho ee kooxda Liverpool shaki laga qabo xaaladiisa.

XAQIIQADA KULANKA

Liverpool ayaa dhalisay sideed gool labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaareen London Stadium, laakiin waxay ku guuldarreysteen inay badiyeen saddexdii kulan ee ugu dambeysay Anfield.

labada kooxood ayaa kulmay 136 jeer tartamada oo dhan, iyadoo Liverpool ay badisay 72 ka mid ah, halka laga badiyay 28 kulan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Liverpool:Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson, Can; Salah, Firmino, Mane

West Ham United:Adrian; Fonte, Ogbonna, Cresswell, Zabaleta, Kouyate, Noble, Antonio; Joao Mario, Hernandez, Arnautovic