HORDHAC: Manchester United vs Chelsea – Saadaalinta, Marxalada kooxaha & Line-upka Macquulka ah

0
281

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa kusoo dhaweyn doona kooxdiisii hore ee Chelsea iyo tababare Antonio Conte garoonka Old Trafford.

Waa kulan weyn oo ay isaga hor imaanayaan labo kamid ah afarta koox ee ugu sarreysa horyaalka Premier League.

Kaliya seddex dhibcood ayaa u dhaxeysa labada dhinac ka hor kulankooda, inkastoo labadoodaba ay kujiraan bandhig aysan ku qancin.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Old Trafford

SAACADA: 5:05 PM

MAXAA CUSUB?

Natiijada sawirka Manchester United vs Chelsea

Dhamaan indhaha oo dhan ayaa kusii jeeda Paul Pogba uu ku soo laaban kara line-upka Manchester United, isagoo kursiga keydka kusoo bilowday kulankii Sevilla ee Isbuucii hore.

Marouane Fellaini iyo Ander Herrera oo dhaawacan ayaa ku qasbeysa Jose Mourinho inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa.

Eric Bailly ayaa saftay kulankiisii ugu horeyay tan iyo horraantii bishii November ciyaartii FA Cup kooxdiisa wajahday Huddersfield Town todobaadkii hore ayaa diyaar u ah inuu kula soo bilowdo line-upka Phil Jones, Daley Blind iyo Marcos Rojo.

Mourinho ayaa laga yaabaa inuu isha ku hayo soo laabashada daafaca Ivory Coast, inkastoo kulankaan uu sidoo kale diyaar yahay Zlatan Ibrahimovic.

Scott McTominay ayaa rajeynaya inuu booskiisa khadka dhaxe kasii ciyaaro, halka Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Jesse Lingard ka mid yihiin xiddigo loo yeeri karo dib markii ay keydka kusoo bilowdeen ciyaartii Sevilla.

Lukaku ayaa hogaamin doona line-upka weerar ee wajahaya kooxdiisii ​​hor e ee Chelsea,inkastoo ciyaaryahanka reer Belgium uusan wax gool ah ka dhalin sideeda kooxood ee ugu sareysa horyaalka.

Chelsea uma badna in ay isbedel badan ku sameyso line-upkii wajahay Barcelona, iyadoo Alvaro Morata ay u badan tahay in loo yeero.

Eden Hazard ayaa dib ugu soo laaban doona doorkiisa garabka, iyadoo qaab ciyaareedka Willian ee kulankii Barcelona ay ku qasbeysa tababare Conte inuu markale xusho.

Gary Cahill ayaa ah ciyaaryahan kale oo rajeynaya inuu kusoo bilowdo kulankaan, iyadoo Andreas Christensen ama Antonio Rudiger midkood u badan tahay in la fariisyo.

Ross Barkley, Tiemoue Bakayoko iyo David Luiz ayaa weli dhaawac kaga maqan kooxda Conte.

XAQIIQADA KULANKA

Sawirka la xidhiidha

Chelsea ayaa rikoor fiican ka heysata Manchester United sanadihii ugu dambeeyay, waxaana laga badiyay kaliya hal kulan oo kamid ah 14-kii kulan ee ugu dambeyay ay wajaheen Red Devils tartamada oo dhan.

Guuldaradan ayaa timid xilli ciyaareedkii hore, markaasoo goolal ay ka dhaliyeen Rashford iyo Herrera lagu qaarajiyay Chelsea.

Guusha United ayaa aheyd tii ugu horeysay oo ay ka gaaraan Chelsea tan iyo 2011kii.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Man Utd:De Gea; Valencia, Smalling, Bailly, Young; McTominay, Matic, Pogba; Martial, Lukaku, Sanchez

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Moses, Fabregas, Kante, Alonso; Wilian, Morata, Hazard

SAADAASHA CIYAARTA

Ciyaartaan waxaa isku celcelin lagu saadaaliyay 1-1.