Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Hordhaca: Southampton vs Liverpool- Van Dijk Oo Wajahaya Kooxdiisi Hore

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Liverpool ayaa isha ku heysa inay qaado talaabo kale oo ay ku aadeyso tartanka Champions League marka ay u safreyso St Mary oo ay ku ciyaarto kooxda Southampton.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa dooneysa in ay ku dhameysato kaalinta seddaxaad ee horyaalka, halka Southampton ay seddex boos ka sareyso booska loogu laabto heerka labaad.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: St Mary 

SAACADA: 7:30 PM

MAXAA CUSUB?

Van Dijk ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka kooxdiisii ​​hore, waxaana uu sidoo kale ka garab ciyaari karaa ciyaaryahan kale ee hore ugu soo ciyaaray Southampton ee Dejan Lovren, Klopp ayaana go’aansaday inuu kalsooni siiyo labadiisa daafac.

Sadio Mane, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Adam Lallana oo dhamaantood ah ciyaaryahano kale oo hore Southampton ugu soo ciyaaray ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan kulankaan.

Mane ayaa dhaliyay lix gool shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu kasoo muuqday garoonka St Mary, waxaana la rajeynayaa inuu mar kale kulasoo bilaaban doono weerarka Salah iyo Roberto Firmino.

Joe Gomez ayaa kulankaan seegi doona sabab la xiriira dhaawac jilibka ah, laakiin Ragnar Klavan iyo Alberto Moreno ayaa labadoodaba taam ah ka dib dhaawacyo ay kasoo laabteen.

Southampton ayaa laga yaabaa inay magcaawdo kooxdii wajahday West Brom toddobaaadkii hore, taasoo la micno ah in saxiixa rikoorka kooxda Guido Carrillo kusoo bilowdo kulankaan.

Manolo Gabbiadini ayaa weli shaki laga qabaa xaaladiisa kadib dhaawac kasoo gaaray sinta, halka Charlie Austin uu weli maqan yahay, laakiin ma jiraan dhaawacyo cusub oo soo wajahay kooxda martida loo yahay.

XAQIIQADA KULANKA

Liverpool ayaa 3-0 ku garaacday Southampton garoon ka Anfield bishii November, iyadoo Salah uu caawiyay kooxdiisa qeybta hore ee ciyaarta ka hor inta Philippe Coutinho gool ku darin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay Reds gaartay waqtigaas guusheedii ugu horeysay Southampton lix kulan oo ay ku wajahday tartamada oo dhan kadib.

Southampton ayaa keliya hal jeer badisay sideedii kulan ee ugu danbeysay labada kooxood, inkastoo Liverpool aysan ku badinin St Mary tan iyo bishii February 2015kii.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Southampton:McCarthy; Cedric, Stephens, Hoedt, Bertrand; Romeu, Lemina, Ward-Prowse, Tadic, Boufal; Carrillo

Liverpool:Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Can, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...