Horyaalka EPL oo waqti nasiino ah loo sameyn doono si looga caawiyo xulka England hanashada laba koob

0
302

Kulamada wareegga shanaad ee koobka FA Cup ayaa waxaa la ciyaari doonaa bartamaha Isbuuca si loo hubiyo inay nasiino helaan dhammaan ciyaartoyda ka xamaasha dalka England.

Waxaa la fahamsan yahay in Xiriirka FA-ga, Premier League iyo Football League ay gaareen heshiis dhigaya in laba Isbuuc oo nasiino ah laga qaato guud ahaan horyaallada kala duwan ee Ingiriiska horraanta bisha February, laga bilaabo xilli ciyaareedka 2019 illaa 2020.

Sidoo kale ma jiri doonaan ciyaaro ku celis ah wareegga shanaad ee tartanka FA Cup-ka maadaama la doonayo in kooxaha oo dhan ay nastaan.

Sida laga soo xigtay majaladda The Times, isbedelka la sameyn doono waxaa ka qeyb ah in shan kulan oo ka tirsan horyaalka England Premier League la ciyaaro hal Isbuuc dhammaad, halka kulamada kale la ciyaari doono Isbuuc dhammaadka xigga.

Dhammaan kooxaha horyaalka Premier League ayaana heli doono ugu yaraan 13 cisho oo nasiino ah iyagoo aan hal kulan ciyaari doonin.

Ujeedku wuxuu yahay in la caawiyo xulka qaranka England ee ka qeyb gelaya tartanka Euro 2020, sidoo kalena la isku diyaariyo Koobka Adduunka 2022ka ee Qatar ka dhici doona si Three Lions ay guul uga keenaan.

Balse lagama nasan doono horyaallada heerarka hoose sida Championship, League One iyo League Two.

Ciyaaraha semi-finalka tartanka Carabao Cup ayaa sidoo kale sii ahaan doona kuwo laba lugood ah.