KASHIFAAD: Tababare Antonio Conte oo laga yaabo in maantaba laga raacdeeyo xilka tababare ee Chelsea

0
46

Tababare Antonio Conte ayaa dalbaday codka kalsoonida ee maamulka kooxda Chelsea, gaar ahaan milkiile Roman Abramovich si loogu muujiyo in maamulka Chelsea boqolkiiba 100 ay isaga garab taagan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha uu cadaadisku saaran yahay ee u dhashay dalka Italy kaasoo qandaraas cusub saxiixay xagaagii lasoo dhaafay, ayaa laga yaabaa in maantaba shaqada laga raacdeeyo.

Shabakadda Daily Express Sport ayaa fahamsan in laga yaabo inay Chelsea maantaba raacdeyso tababare Conte haddii ay caawa oo Isniin ah guuldarro kasoo gaarto kooxda Watford kulankooda horyaalka England Premier League.

Conte waa ay isku dhacsan yihiin maamulka sarre ee kooxda ka dhisan Stamford Bridge, waxaana ku jira Abramovich, inta badan xubnaha sarre ee kooxda ayaana ka carreysan maadaama uusan Conte natiijooyin wanaagsan kooxda usoo xareysan kulamadii ugu dambeeyey.

Chelsea ayaa badisay keliya hal kulan shanteedii kulan ee ugu dambeysay horyaalka EPL, iyadoona laga soo reebay tartanka Carabao Cup.

Arbacadii, Chelsea ayaa guuldarro 3-0 ah kala kulantay kooxda Bournemouth waana guuldarradii ug xumeyd ee kooxda soo gaarta tan iyo markii uu Conte qabtay, waxaana hadda uu shaki soo galay booskooda afarta kaalin ee horyaalka EPL.

Si kastaba ha ahaatee, rajada 48 sanno jirkaan ayaa ah inuu shaqadaan kusii nagaado illaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here