Kenya oo guul ka sheegatay dagaalkii shalay ka dhacay Gedo

0
264

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay 23; xubnood oo ka mid ah Al-shabaab ku dishay dagaal shalay labada dhinac ku dhexmaray degaanka Faxfax-dhiin ee Gobolka Gedo.

War ka soo baxay Ciidanka Difaaca Kenya ayaa sheegay in Weerarka uu ku billowday Qarax Miino oo jidka loo geliyay Ciidanka Kenya,mid ka mid ah Gawaaridii ay wateenna uu dulmaray halkaas oo uu khasaare ka dhashay.

Waxaa ay sheegeen in gaariga Qarxay ay Askar ku dhaawacantay kuwaas oo aan tiradooda la sheegin,waxaana loo qaaday Nairobi.

Ciidanka Kenya oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya waxaa ay shalay dagaal socday afar saacadood la galeen Ciidamada Al-shabab,waxaana ka dilnay 23 Xubnood,saddex Gaari ayaan gubnay,sidoo kalena hub ayaan ku qabsannay”,ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Ciidanka Difaaca Kenya.

Al-shabab ayaa dhinacooda sheegay in ay dagaalkaas ku dileen Askar Kenyaan ah sidoo kalena ku dhaawaceen Guddoomiyah Degaanka Fax faxdhuun,kaas oo saaka sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.