Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Wadanka Kenya Oo Lagu Qabtay Haweeneey looga shakiyay Argagixisanimo

Published on February 9, 2018 by   ·   No Comments

Guddoomiyaha Degmada Kilifi ee Dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in Laamaha ammaanku ay Haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo, Saidia Matani ku qabteen Magaalada, Shalayto gelinkii dambe, ka dib markii ay diidday in la baaro.

Mr. Mutindika ayaa sheegay in Haweeneydan laga helay Saddex Baasaboor oo ay lahaayeen Dad kala duwan, wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan, si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay hayaan raadad caddeynaya inay Haweeneydani ku lug leedahay kooxaha Argagixisada, waajibna ay ku tahay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan isla markaana ay sharciga la tiigsadaan.

Haweeneydan ayaanan weli la shaacin Waddanka ay ka soo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...