Kenya oo sheegtay in ay dhaqan celineyso 40 Qof oo ka baxay Al-shabab

0
250

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 40 Qof oo ay sheegtay in ay ka baxeen Al-shabaab iskuna dhiibeen Dowladda.

Xarumaha dhaqan celinta Magaalada Mombasa ayaa loo qeybiyay afartan Qof oo dhallinyaro u badan kuwaas oo ka faa’ideystay cafis ay fidisey Dowladda Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Kilifi, Magu Mutindika,ayaa sheegay in Dhallinyaradan ay u kala dhasheen degaannada kala ah; Malindi, Mambrui, Kilifi Town iyo  Mtwapa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhallinyaradaas aysan la kulmeyn wax ciqaab ah maaddaama ay si iskood ah isugu dhiibeen dowladda,taas beddelkeedana ay heli doonaan daryeel dhinaca noloshooda ah.

Dhallinyarada 40ka ah ayuu sheegay in ay isugu jiraan Gabdho iyo wiilal tababarka dhinaca dagaalka ah ka qaatay Al-shabaab islamarkaana hadda dib ugu laabtay Kenya iyaga oo isku dhiibay Ciidamada dowladda ee Gobolkaas.

Joseph Yeri  oo ka mid aj dadka degaanka Malindi ayaa sheegay inta badan dadka ka baxay Al-shabaab ay ku jiraan Kenyta iyaga oo ka baqaya in la xiro,sidaas darteedna ay cabsi ka qabaan dowladda.

Kenya 2015kii ayey sheegtay in dhallinyarada ku biirtay Al-shabaab ee doonaya in ay ka baxaan la soo dhaweynayo iyada oo aan wax dambi ah loo raacaneyn laakiin dowladda  waxaa ay sheegeeysaa in tirada is dhiibtay ay aad u yartahay marka loo eego dhallinyarada ku biirtay Al-shabaab.