KGS oo digniino ka soo saartay ganacsatada Garsoorka u doonta Shabaab

0
198

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray digniino ku aadan dadka u Maxkaamdaha doonta degaanada ururka Al-Shabaab ay ka joogaan Maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa sheegay cidkasta oo loo arko in ay tagayaan meelaha Shabaab ay joogaan in aysan ku soo laabaneyn degaanada uu Maamulka ka taliyo.

Wuxuu sheegay in ganacsatada arrimahaasi uga digayaan, wuxuuna tilmaamay ganacsto in ay tageen todobaadkii la soo dhaafay degaanka Buulo-fulaay oo Shabaab ay joogaan, mar dambana arimahaasi aan loogu dulqaadan doonin.

“Shabaab waxay bilaabeen in ay u wacaan ganacsatada, lacagana ay soo saaraan, iyaguna ay aadaan, Dowladdu go’aan ayay ka soo saartay cidii Shabaab aada kuma soo laabanayso degaanada Maamulka uu ka taliyo.” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dadka taga degaanada Shabaab ay ka joogaan Koonfur Galbeed, si ay ugu soo xukumaan arrimaha dhulalka iyo sidoo kale dacwadaha kale ee dilalka la xiriira.

Meelaha loo dacwad tago ayuu sheegay inay qayb ka tahay Maxkamado Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Buula-fuulaay oo 90-KM ujira magaalada Baydhab, iyada oo ay jiraan Maxkamadaha Madaniga iyo tan Ciidamada.