Klopp Oo Diiday Inuu Salah Yahay Xiddiga Ugu Fiican Kuwa Ku Ciyaara Lugta Bidix- Yaa Ka Fiican

0
313

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku adkeysanaya in Mohammed Salah uu heysto lugta bidix ee ugu fiican, isagoo sheegay in Lionel Messi aan la iloobi Karin.

Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Liverpool, isagoo dhaliyay 30 gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka yimid Roma.

22 gool oo uu ka dhaliyay Premier League, Salah ayaa 19 gool ka mid ah u isticmaalay lugtiisa bidix, labo waa lugtiisa midig halka goolka kale uu ku dhaliyay madaxiisa.

Markii la weydiiyay haddii uu xiddiga reer Masar yahay kan ugu fiican adduunka xidigaha lugta bidix, Klopp ayaa diiday inuu meesha ka saaro xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Lionel Messi sinaba ha iloobin “ayuu yiri tababaraha Jarmalka oo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka kooxdiisa wajaheyso caawa West Ham.

“Ma ahan kan ugu fiican adduunka, laakiin waa uu wanaagsanahay Salah” ayuu hadalkiisa ku daray macalinka Reds.

Salah ayaa fursad u heysta inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa sarre marka Liverpool ay martigelineyso caawa kooxda West Ham kulan katirsan horyaalka Premier League.