Kooxda Kaalinta 12aad Kaga Jirta Premier League Oo Lasoo Wareegeysa Xiddig Sagaal Koob U Qaaday Man Utd

0
14

West Ham ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato daaficii hore ee kooxda Manchester United Patrice Evra ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Daafaca Faransiiska oo sideed xilli ciyaareed ku qaatay Old Trafford, ayaa laga ceyriyay kooxda Marseille horaantii xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu laaday taageere.

379 kulan ayuu usaftay Red Devils intii u dhaxeysay 2006 iyo 2014, isagoo kula guuleystay sagaal koob oo waa weyn oo ay ku jiraan shan horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions League.

Ka dib seddex bilood oo u uxor yahay wuxuu ku laaban karaa Premier League, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan.

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa si fiican u yaqaana Evra, oo uu kula shaqeeyay Manchester United xilli ciyaareedkii 2013/14.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Everton ayaa sidoo kale xiiseyneysa daafaca bidix ee Faransiiska kaasoo la rumeysan yahay inuu ku biiri karo kooxda West Ham.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here