Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Kylian Mbappe Oo Niyada U Qaboojiyay Cristiano Ronaldo Ka Hor Kulanka Paris Saint-Germain

Published on February 7, 2018 by   ·   No Comments

Cristiano Ronaldo ayaa hoos u dhac sameeyay xilli ciyaareedkan, laakiin Kylian Mbappe ayaa beeniyay wararka sheegaya in xiddiga Real Madrid hoos u dhac uu ku yimid qab ciyaareedkiisii caadiga ahaa.

Ronaldo ayaa ka hooseeya heerkiisii caadiga ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyay kaliya sideed gool 17 kulan oo uu La Liga kasoo muuqday.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay sagaal gool lix kulan oo Champions League uu u saftay kooxdiisa Real Madrid oo wareega 16ka kula ciyaareysa kooxda ka dhisan France ee PSG.

Isagoo hadlayay ka dib markii kooxdiisa ay 4-1 kaga badisay Sochaux Talaadadii, Mbappe ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in 33-jirka Real Madrid hoos u dhac weyn ka muuqan waqtigaan.

“Ronaldo ma ahan mid hooseeya waqtigaan, haddii uu hoos u dhac kujiro isaga, ciyaaryahano badan oo ayaa la mid noqon doona ayuu hadalkiisa ku daray Kylian Mbappe.

“Waa ciyaaryahan weyn, laakiin waxaan rajeyneynaa inuusan sameyn nagu yeelan doonin kulanka aan wajaheyno kooxda Real Madrid.

“Waxaan isku diyaarineynaa ciyaarta Real Madrid oo ah mid ka mid ah awoodaha dunida.”

Lugta koowaad ee wareega 16ka Real Madrid iyo Paris Saint-Germain waxaa lagu ciyaari doonaa Magaalada Madrid 14 February.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...