Lionel Messi Oo Cadaadis Ku Saaray Barcelona Saxiixa Xiddig Bartilmaameed U Ah Real Madrid

0
286

LIONEL MESSI ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseyneyo in Barcelona ay ku garaacdo Real Madrid saxiixa daafaca midig ee Real Sociedad Alvaro Odriozola.

Barcelona ayaa hogaamineysa horyaalka La Liga, waxaana ay rajeyneysaa inay sii dheereysato dhibcaha ay ka sareyso kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid marka ay wajahayaan Las Palmas habeen dambe.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa sidoo kale kusugan finalka Copa del Rey, waxaana ay rajeyneysaa inay seddexleey koobab ah qaadaan xili ciyaareedkaan.

Barcelona ma ahan haatan koox u baahan daafac, laakiin Messi ayaa isku dayaya inuu saameyn ku yeesho xaalada suuqa kooxda, isagoo ku baaqay in lasoo iibiyo daafaca Real Sociedad Alvaro Odriozola.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Spain ayaa sheeegaya in 30-jirkan uu doonayo in Barcelona ay ku garaacdo Real Madrid saxiixa Alvaro Odriozola.

Sida laga soo xigtay Diario Gol, Messi ayaa doonaya in Barcelona lasoo saxiixato daafac midig oo awood badan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Sergi Roberto ayaa si ku meel gaar ah ugu ciyaara daafaca midig ee Barcelona tan iyo markii Dani Alves tagay Catalon, laakiin Messi ayaa doonaya in Odriozola in la keeno ka hor xilli ciyaareedka 2018/19.