Liverpool Oo FC Porto Si Naxariis Daro Ah Garoonkeeda Ugu Soo Gumaaday, Sadio Mane Oo Sadexley Dhaliyay, Firmino & Salah Oo Shabaqa Gaadhay Iyo Reds Oo Wacdaro Cusub Dhigtay.

0
29

Liverpool ayaa sii xaqiijisatay booskeeda siddeed dhamaadka UEFA Champions League iyada oo aan la gaadhin kulanka lugta labaad ee Anfield ay kula ciyaari doonto FC Porto kadib markii ay kooxda Jurgen Klopp 5-0 ku soo gumaaday Porto. Sadio Mane ayaa saddexley goolal ah dhulka ku jiiday Porto halka Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ay min hal gool dhaliyeen.

Liverpool ayaa shaqo aan la rumaysan karin ka soo qabtay kulankan iyada oo Porto ceeb wayn u soo jiiday waxayna Reds muujisay sida ay u tahay kooxda xili ciyaareedkan ugu gool dhalinta fiican Champions League iyada oo 28 gool ka soo dhalisay kulamadii ay ciyaartay waxayna dhaaftay PSG oo hore rekoodhkan u haysatay.

 

Liverpool ayaa halkeeda ka sii wadatay gool dhalintii cajiibka ahayd ee ay xili ciyaareedkan kaga soo jirtay UEFA Champions League waxayan qaybtii hore ee kulankii FC Porto ay soo bandhigtay qaab ciyaareed ay kooxda ree Portugal ku adkaatay in ay joojiso Reds. Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah ayaa noqday kuwo ay difaaca Porto u maaro waayeen.

DAQIIQADII 25 aad Liverpool ayaa la timid goolkeeda furitaanka kaas oo wiilasha Jurgen Klopp siiyay kalsooni dheeraad ah waxaana goolkan u saxiixay Sadio Mane oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay laakiin waxaa shaqo fiican soo qabtay Wijnaldum  oo kubbad uu la dhex orday Porto isku dayay in uu goolkan ku dhaliyo balse kubbada ay ciyaartoyda Porto joojiyeen ayaa si naxariis leh ugu tagtay Mane oo dhinaca bidix banaan ku haystay wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka uu ciyaarta kaga dhigay 1-0 ay Liverpool hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 29 AAD Mohamed Salah ayaa markiisa Porto ugu qubeeyay goolka labaad kadib markii uu James Milner nasiibku diiday ee uu birta u garaacay FC Porto laakiin Salah oo markiiba si deg deg ah uga jawaabay kubbada soo booday ayaa madaxa inta uu ku qaatay si deg deg ah u dhamaystiray wuxuuna ciyaara ka dhigay 2-0 ay Liverpool ku heshay goolka labaad ee kalsoonida.

FC Porto ayaa si wayn ugu dhibtoonayay qaabkii ay ku joojin lahayd weerarka Liverpool halka ay dhanaca kale awoodi waayeen in ay dhaafaan difaaca Reds oo u muuqday mid si xoogan isku haystay. Lovern iyo Van Dijk oo kulankan difaaca dhexe ku soo wada bilawday ayaa Klopp siiyay doorasho cusub.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta heshay fursado kale oo fiican oo ay ciyaarta xili horeba ku dili kartay laakiin waxay muujisay sida ay uga awood badan tahay FC Porto iyada oo qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay Liverpool ku ahsyatay guusha iyo waliba goolasha martida.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa soo laabtay Liverpool oo ku socota dardar ka sii cajiibsan qaybtii hore iyada oo Salah, Mane iyo Firmino ay noqdeen kuwo aan la qaban karin halka ciyaartoyda khadka dhexe ay kubbado deg deg ah tuurayeen.

DAQIIQADII 53 AAD Sadio Mane ayaa dhaliyay gookiisa labaad ee kulankan iyo kan saddexaad ee kooxdiisa laakiin ma rumaysan kartid qaabka layaabka leh ee ay Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane iskugu xidhmeen, iyada oo Salah uu kubbada u bixiyay Firmino kaas oo darbo uu lugta bidix ku tuuray ku garaacay goolhayaha Porto laakiin kubbada ka soo booday waxaa markale banaan cad ku helay Mane kaas oo si sahlan goolkiisa labaad ku dhaliyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Reds ku xaaqayso FC Porto.

Markan ciyaarta ayaa noqotay mid dhinac kaliya ka socota isla markaana ay FC Porto noqotay koox lugaha dhul la dhac ah oo aan waxba ku noolayn, laakiin kooxa Klopp ma taqaan kaftanka iyo naxariista waxayna sii wateen bandhiga xoogan iyo goolal kale oo raadinayeen.

DAQIIQADII 69 AAD Roberto Firmino ayaa helay goolka uu xaga ugu lahaa kulankan maadaama oo uu bandhig cajiib ah sameeyay waxaana markan caawinta goolka xidiga ree Brazil sameeyay James Milner oo u muuqday in uu soo da’yaraaday isla markaana dhibaato wayn ku hayay Porto wuxuuna Roberto Firmino  ciyaarta ka dhigay 4-0 ay Liverpool ku gumaadayso FC Porto oo waliba garoonkeeda joogta.

 

DAQIIQADII 75 AAD Klopp ayaa ciyaarta ka saaray kabtankii Henderson oo kulan wayn qaatay wuxuuna kaydka uga yeedhay Joel Matip halka uu afar daqiiqado kadib uu ciyaarta ka saaray da’yarka Alexander-Arnold wuxuuna kaydka uga yeedhay Danny Ings si uu u dhadhamiyo kubbada cagta Yurub iyo xiisaheeda habeen ay Reds taariikh kale ku soo dhigtay Portugal.

DAQIIQADII 85 AAD Sadio Mane ayaa dhamaystirtay saddexleyda layaabka leh ee uu kulankan ka dhaliyay kadib markii uu kubbad ka helay Danny Inista isla markaana uu si qurux badan ugu garaacay difaaca iyo goolhayaha Porto wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 5-0 ay Liverpool ku ceebaynayso Porto.

 

Liverpool ayaa gabi ahaanba sii qabsatay shaqadii ay u baahnayd in ay ku qabto labada kulan ee wareega 16ka kooxood ee Champions League iyada oo Porto haddaka ka sii cidhibtirtay tartankan inkasta oo marka Anfield layskugu yimaado ee ay ciyaartu dhamaatay ay rasmi noqon karto balse hadaba wax shaki ahi kama joogo in Reds ay joogto siddeed dhamaadka UEFA Champions League.

Ugu danbayn iyada oo Porto rajaynaysa in ciyaarta uu garsooruhu ka dhameeyo si ayna ceeb kale ugu sii dhex jirin ayay ciyaartu soo dhamaatay waxayna Liverpool guul layaableh ku soo gaadhay 5-0 iyada oo noqotay kooxda kaliya ee xili ciyaareedkan 28 gool ka dhalisay UEFA Champions league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here