Maamulka kooxda Juventus oo maalmo kooban u qabtay Emre Can si uu uga saxiixo ama uga talo-baxaan

0
327

Maamulka kooxda Juventus ayaa u sheegay wakiillada xiddiga qadka dhexe ee u dhashay dalka Jarmalka Emre Can inuu heshiis u saxiixo todobada maalmood ee soo aadan, haddii kale waa ay ka bixi doonaan qorshaha ay ku baacsanayaan xiddigaan, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Italy.

24 sanno jirkaan qadka dhexe Emre Can ayaa la filayaa inuu xagaaga soo aadan beeca xorta ah kula biiro kooxda Juventus, maadaama qandaraaskiisa kooxda Liverpool uu dhacayo dhammaadka sannad ciyaareedkaan 2017 illaa 2018.

Hase yeeshee, warbaahintu waxay sheegeysaa inuu heshiiska Can ku dhow yahay in la isla meeldhigo, waxayna u muuqataa inay haatan digniin kama dambeys ah siiyeen maamulka kooxda Juventus si todobada cisho ee soo aadan loo xaqiijiyo heshiiskaan.

Majaladda La Gazzetta dello Sport ee dalka Italy ayaa ku warameysa in kooxda Juventus ay haatan muddo Isbuuc ah siisay Can si heshiiskaan uu u dhammeystiro,

Xaqiiqaduse waxay tahay, tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaan dooneyn inuu lumiyo Can oo ku jira waayo ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, laakiin laacibkii hore ee kooxda Bayer Leverkusen wuxuu isha ku hayaa inuu ka tago Anfield Road.

Kooxda Bayern Munich ayaa sidoo kale xiiso u qabta xiddigaan, halka hogaamiyeyaasha horyaalka England Premier League ee Manchester City lala xiriirinayo saxiixa wiilka asal Turkiga ah.