Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxda sirdoonka Maraykanka oo Ruushka weeraray

Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar.

Madaxda hay’adaha kala duwan ee sirdoonka ayaa hadalkan sheegay mar ay warbixin siinayeen guddiga aqalka Senate-ka u qaabilsan arimaha sirdoonka oo sannadkiiba mar ka arinsada halista soo waajihi karta Maraykanka.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka, Dan Coats, ayaa sheegay in ujeedada Moscow tahay inay wiiqdo kalsoonida shacabka dalkaasi ku qabaan dimuqraadiyadda Mareykanka.

Bartamihii sanadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa u sheegtay aqalka Congress-ka in ay hayso cadaymo muujinaya in burcadda internetka Ruushka ay bartilmaameedsadeen nidaamka doorashada Maraykanka ee 21-ka gobol ee doorashadii madaxtinimada ay ka dhacday sannadkii la soo dhaafay.

Jeanette Manfra oo madax ka ah waaxda ammaanka ee internetka ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay hufnaanta doorashada Maraykanka laakiin waxay qirtay in waxdeeda aysan tijaabo ku samayn qalabka codaynta.

Hay’adda dambi baarista gudaha Maraykanka ee FBI-da ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynaysa isku-deygii Ruushka uu ku sameeyay inuu farageliyo doorashada iyo xiriirka ka dhaxeeyay Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo iyo guddiga ololaha Trump,

Xigasho BBC

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...