Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrikaoo deg deg looga dalbaday in uu iscasilo

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Saraakiisha ugu sareysa Xisbiga Taladda haya ee dalka Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah uga dalbaday Madaxweynaha dalkaasi in uu xilka ka dego.

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob zuma ayaa la sheegay in loo qabtay muddo 48 saacadood gudahood ah in uu isku casilo, waxaa sidaasi bahisay warbaahinta dowladda ee SABC.

Kulan ay yeesheen ayay ku sheegeen in Madaxweynaha uu dalka ku fashilmay , islamarkaana uu lumiyay kalsoondii Shacabka.

Qofna hadal ma jeedin kulanka ka dib , balse warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in kulankaasi si rasmi ah loogu go’aansaday in laga dalbaday madaxwaynaha in uu iscasilo.

Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in Mr Zuma uu ogoladay in uu iscasilo balse uu dalbaday in muddo saddex bilood ah uu xafiiska sii joogo.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda u arka jahwareerka ka dhex jira ANC in uu yahay mid aa micno badan ku fadhin.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Economic Freedom Fighters horeyna u ahaa hogaamiyaha garabka dhalinyarada ee ANC Julius Malema, ayaa kulanka saraakiisha xisiga ANC ay yeesheen ku tilmaamay mid aan faa’ido lahayn.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...