Madaxwaynaha Nigeria oo ku tilmaamay “Musiibo qaran ” afduubka gabdho iskuuley ah

0
242

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku tilmaamay afduubka looga shakisan yahay in Boko Haram ay u gaysteen gabdho iskuulay ah “Musiibo qaran “.

 

Kooxda Boko Haram ayaa Isniintii weerar ku qaaday magaalada ku taalla wuqooyi bari Nigeria ee Dapchi.

 

Ma cadda ilaa iyo imika tirada gabdhaha la la’yahay weerarka ka dib.

Waalidiinta ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 100 ka mid ah ardaydii iskuulka ku sugnayd aan wali la helin.

 

Madaxwaynaha Nigeria ayaa sheegay in diyaarado iyo ciidama dheeraad ah loo diray goobtasi si baadgoobka ay uga qayb qaataan.

 

Waalidiinta ayaa aad uga carooday qaabkii ay dowladda ula tacaashay arrintan.

 

Dhacdadani ayaa waxa ay dad badan dib u soo xusuusisay afduubkii 4 sano ka hor loo gaystay gabdho ku sugnaa iskuul ku yaalla magaladda Chibok.

Magaalada Dapchi, ayaa qiyaastii 275km kaga beegan wuqooyi galbeed Chibok.

Isniintii ayay ahayd markii weerar lagu qaaday iskuulkan ku yaalla Dapchi markaasi oo ardaydii iyo macllimiintii ku sugnaa ay u carareen goob kayn ah oo ku dhawayd iskuulka.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in markii dambe ay goobta soo gaareen ciidamada ammaanka Nigeria.

Xukuumadda Nigeria ayaa markii hore beenisay in ardayda la afduubtay,waxa ayna sheegeen saraakiisha in ay wali ardayda ka dhuumanayaan kooxda soo weerartay.

 

Madaxawyanaha Nigeria ayaa raaligalin ka bixiyay Jimcihii weerarka, waxa ayna ahayd hadalkii ugu horreeyay ee ka soo baxa ee ku aadan dhacdadan.

 

“Waan ka xunnahay in ay arrintan dhacdo , waxa aan alle ka baryaynaa in ciidamadeena halyeeyada ah ay ogaan doonaan goobta ay ku sugan yihiin ayna si nabad ah ku soo celin doonaan xubnaha qoysaskan maqan,” ayuu ku yiri bayaanka madaxwaynaha.

 

Maamulka gobolka Yobe ayaa dhankooda raalligalin bixiyay ka dib markii Arbacadii ay si qaldan u sheegeen in qaar ka mid ah gabdhahan ay ciidmada soo badbaadiyeen.