Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa wuxuu doonayaa inuu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa Real Madrid xagaaga soo aadan, sida ay sheegayaan warbaahinta Spain.
Los Blancos ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane, goolhayaha Manchester United David de Gea iyo garabka Chelsea Eden Hazard.
Real Madrid ayaa haatan ku jirta xilli ciyaareed aad u xun, waxaana la filayaa in kooxda lagu sameeyo isbedel xoogan xagaaga soo aadan si ay markale ugu soo laabato wadada guulaha.
Madaxweyne Florentino Perez ayaa isku diyaarinaya inuu xiddigo magac leh keeno caasimadda Madrid, wuxuuna calaameystay magacyada Harry Kane, David de Gea iyo Eden Hazard kuwaasoo uu doonayo inuu kasoo kaxeysto horyaalka England Premier League.