Madaxweynaha Tanzania oo Ragga dalkiisa amray in ay guursadaan wax ka badan hal xaas.

0
30

Madaxweynaha Dalka Tanzania John Magufuli,ayaa amray Ragga u dhashay dalkaas in ay guursadaan wax ka badan hal xaas kaddib markii ay badatay mushkiladda Haweenka uurka qaada iyaga oo aan la guursan.

John Magufuli,ayaa ku baaqay si loo yareeyo gogol dhaafka iyo in Haweenka qaar ay la seexdaan Rag xaas leh ay muhiim tahay in Raggu guursadaan xaasas 2 iyo wixii ka badan ah.

Magufuli, ayaa sheegay in Ragga Tanzania ay tiro ahaan ka yaryihiin Haweenka iyada oo 40Milyan oo Haween ah ay ku noolyihiin Tanzania marka loo bar bar dhigo Ragga dalkaas oo gaaraya 30 Milyan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay goob 14,000 oo Rag ah lagu barayay heerarka kala duwan ee nolosha ayaa yiri “idima qasbayo,waxaa ay iga tahay dhiirro gelin iyo sharaf dhow,waxaan idinku baaqayaa in aad guursataan 2 xaas iyo ga badan”.

Madaxweyne Magufuli ayaa sanadkii la soo dhaafay amray in Gabdhaha ardeyda ah ee qaada uurka sharci darrada ah aysan iskuulka ku laaban Karin,islamarkaana sidaas uga haraan waxbarashada.

Waxaa uu dhaleeceyn badan kala kulmay Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha,waxaana hadda uu talo ku jeediyay in Raggu guursadaan Haween badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here