Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Dagaalyahano Shabaab ah

0
49

Ciidamada Millitariga dalka Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn 19-kii bishan Maalinkii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe in ay khasaare ku gaarsiiyeen Shabaab.

Taliska Mareykankan Afrika ee (AFRICOM) oo war qoraal ah ka soo saaray Duqeyntan ayaa wuxuu sheegay Duqeyntan in lala beegsaday saldhig, laguna dilay Saddex Dagaalame oo Shabaab ka tirsanaa.

Wuxuu sheegay Mareykanka inta Duqeyntan ay socotay inaan wax khasaare ah lagu gaarsiin dad shacab ah, keliya un lagu beegsaday xoogaga ururka Al-shabaab.

“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen Ciidamadeen ayaa waxa ay Duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jillib, waxayna ku dileen Saddex Argagixisada ka tirsanaa, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).

Dowladda Mareykanka ayaa Koonfurta Soomaaliya waxa ay ku fulisaa Duqeymo ay la eegato fariisimo ay sheegto inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here