Meydad horleh oo laga helay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur.

0
425

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Iska hor imaadkii xalay ka dhacay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo kasoo horjeeda Dhismaha Guriga Golaha Shacabka oo aanan sidaa ugu fogeyn iridka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Dad ka agdhaw Sayid ayaa sheegay in meydadka 5 qof lagu arkay inta udhaxeysa Sayidka iyo Taalada Dhagaxtuur, oo iska hor imaadka xooggiisa ka dhacay.

Meydadka la arkay waxay Goob joogayaasha Hiranweyn u sheegeen in ay ku jireen Haween la sheegay in ay kamid ahaayeen kuwa Qaadka Iibiya.

Tan iyo iska hor imaadkii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur waxaa adkeyd in la helo ama la ogaado Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay gaariga qarxay iyo iska hor imaadka halkaa ka dhacay.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa iyanna Ka caaganaa in ay tagaan goobtaas, kana qaadaan dadka ku dhaawacmay maadaama israsaaseenta tan iyo xalay fiidkii ay soo gaartay.

Gaadiidka deg dega iyo Saraakiisha Caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dhimashada ay sii korortay, waxaana Khasaaraha ugu badan geystay Gaarigii ku qarxay goob la dhigto Gawaarida oo ku taalla (Kiilo-Miter Zero).

Dhimashada Qaraxaasi ayaa Caga-cageyneesa 18-qof oo dhimasho ah, waxaana sidoo kale dhaawacmay dadkale oo lakala geeyay goobaha Caafimaadka.