Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Miino caawa Muqdisho kula qaraxday Caruur

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maqribnimadii caawa caruur ku cayaareysay Walxaha Qarxa ay la qaraxday, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

 

Caruurtan oo laba aheyd ayaa Walxaha qarxa ku heystay Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, iyaga oo ku cayaaraya ayay mar qura la qaraxday.

 

 

Qof joobjooge ah ayaa inoo sheegay caruurta Walxahan Qarxa ku cayaareysay in ay ahaayeen Darbi jiif, kuwaasi oo aanan kala garaneynin in birahan ay ku cayaarayeen ay dhibaato ka soo gaari karto.

Gaadiidkooda gurmadka deg dega ah, iyo qaar ka tirsan shaqaale caafimaad oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka qaaday Meydka mid ka mid ah caruurta iyo mid kale oo uu dhaawac soo gaaray, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

 

 

Magaalada Muqdisho gaar ahaan faras magaalaha marka aad mareyso waxa aad ku arkeysaa caruur aanan laheyn Hoy oo nolosha ka dhacay, Dowladda Federaalka waxay masuuliyad ka saaran tahay xanaaneynta caruurtaasi, kaalintaasi ilaa hadda ma muuqato.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...