Muxuu qolka lebiska Real Madrid ka yiri rigooradii uu Ronaldo siiyey Benzema ?

0
300

Real Madrid ayaa guul 4-0 ah ka gaartay kooxda Deportivo Alaves, goolhaye Keylor Navas ayaana ammaan buuxda kala duldhacay kabtankii kulankaas Cristiano Ronaldo.

 

Keylor Navas ayaa caddeeyey in qolka lebiska ee kooxda Real Madrid uu ka warqabo inuu Cristiano Ronaldo yahay shaqsi naxariis badan, wuxuuna soo dhoweeyey rigooradii uu xiddiga reer Portugal siiyey saaxiibkiisa reer France Karim Benzema.

 

Ronaldo ayaa seddaxleey dhalin karay markii Los Blancos lagu abaalmariyey rigoore daqiiqadihii ugu dambeeyey ee kulankaan, waxayna noqon laheyd seddaxleydiisii 50aad ee uu u dhaliyo Real Madrid tan iyo markii uu kusoo biiray 2009kii.

Laakiin Ronaldo wuxuu rigooradaas siiyey saaxiibkiis Karim Benzema kaasoo ku jira waqti adag iyo abaar dhanka gooldhalinta ah, taageereyaashuna ay ku oriyeen bilowgii kulankaan.

 

Goolhaye Keylor Navas ayaana sharraxay waxa uu qolka lebiska Real Madrid ka aaminsan yahay Ronaldo: “Lama aanan yaabin wixii uu Ronaldo sameeyey. Maxaa yeelay dhammaanteen waan ognahay inuu Ronaldo yahay shaqsi naxariis badan.

 

“Waqtiyada nuucaan oo kale ah marka aad u baahan tahay jaceylka kooxda, Ronaldo wuxuu muujiyaa inuu ka mid yahay dadka ka taxadara in ciyaartoyda kooxda oo dhan la jeclaado”.

 

Xitaa Cristiano Ronaldo ayaa kula taliyey taageereyaasha Santiago Bernabeu inay u sacbiyaan Benzema markii uu gool cajiib ah ka caawiyey.