Nigeria oo sheegtay in la soo badbaadiyay 76 Gabdhood oo lagu la’aa Boko Haram

0
207

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay soo heshay 78 Gabdhood oo labo maalin ka hor Iskuulkii ay dhiganayeen ay weerar ku qaadday Kooxda Boko Haram ee dowladda dagaalka kula jirta.

Kooxda oo wata 12 Gaadiidka dagaalka ah ayaa weerar ku qaaday Dugsi ay dowladda leedahay oo ay gabdhaha wax ka bartaan,waxaana intii weerarkaas uu socday ay Barayaasha iyo Ardeyduba galeen howdka u dhow Magaalada Dapchi ee Gobolka Yobe State.

Ciidamada dowladda ayaa weerarka kaddib billaabay howlgal lagu baadi goobayo firxadka ardeyda iyo Macallimiintiiba,waxaana ay hadda soo heleen 76 Gabdhood,waxaa sidoo kale la helay meydka 2 Gabdhood oo aan la ogeyn sababta ay u dhinteen.

Dhinaca kale Reuters ayaa xubno ka mid ah Dowladda Nigeria ka soo xigatay in wali lala’yahay 13 Gabdhood oo kale,kuwaas oo la tuhmayo in ay ku maqanyihiin gacanta Boko Haram.

Ciidanka Boko Haram ee weeraray Iskuulka Magaalada Dapchi ayaa maalinkaas qaatay Cunto badan iyaga oo jabsaday Dukaamada iyo Keydka Cuntada ee Iskuulka.

4; Sano ayaa ka soo wareegtay weerarkii lagu afduubtay gabdhihii dhiganayay Dusiga Gabdhaha ee Magaalada Chibok,kuwaas oo qaarkood ay is qarxiyeen,kuwo la sii daayay halka kuna wali ku jiraan gacanta Boko Haram.