Pep Guardiola oo laga yaabo inuu wajaho ganaax haddii uu tallaabadaan qaado inta lagu jiro finalka Carabao Cup

0
283

Tababare Pep Guardiola ayaa markale jaakaddiisa kusoo dhegsan doona fiyooraha jaallaha ah (Yellow ribbon) si uu taageere ugu muujiyo siyaasiyiinta u dhalatay gobolkiisa Catalonia ee xabsiga la dhigay Jordi Cuixart iyo Jordi Sanchez.

Ma noqon doonto markii ugu horreysay ee uu tababare Pep Guardiola faraha la gelayo arrimaha siyaasadda, laakiin waxaa xusid mudan inuu wajihi karo ganaax aagga tababaraha ah haddii uu finalka League Cup ee ka dhacaya Wembley Stadium caawa lasoo galo jaakadda uu ku dhegan yahay fiyooraha jaallaha ah.

Guardiola ayaa garoonka Wembley Stadium u arka gurigiisa labaad, waana halkii uu ku qaaday laba koob oo UEFA Champions League ah 1992 iyo 2011 isagoo marna ciyaaryahan u ah Barcelona marna tababare u ah isla Barcelona.

Sidaas darteed majaladda Daily Mail ayaa sheegeysa in tababaraha kooxda Manchester City uu ganaax aagga tababaraha ah la kulmi doono haddii uu tallaabadaan ku dhaqaaqo finalka Carabao Cup ee ay Man City wajaheyso Arsenal.