Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Puntland oo sheegtay 160 Askari oo ka goostay Somaliland ku biireen

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qaabileen 160 Askari oo ka goostay Maamulka Somaliland kuna biiray Puntland,kuwaas oo ku sugnaa degaanka Carro weyn  ee Gobolka Sanaag.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ee ciidankaas ku qaabilay degaankaas ayaa sheegay in Ciidamadaan ay mar hore ku biireen Somaliland hayeeshee hadda dib uga baxeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Puntland ee Ciidamadaas la kulmay ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland ay la socdaan xaaladda Ciidankan islamarkaana ay saraakiisha salaan ugu dhiibeen.

Saraakiil u hadashay Ciidamada sheegay in ay ka goosteen Somaliland kuna biireen Puntland ayaa sheegay in degaanka ay u dhasheen uun ku laabteen ee aysan ahayn dad cusub.

Qaar ka mid ah dadweynaha dadweynaha degaankaas ayaa soo dhaweeyay Ciidamada isu dhiibay Puntland sida ay sheegeen.

Faarax Sulub Jaamac oo Puntland u qaabilsan degaannadaas ayaa sheegay in Ciidamadaas markii hore ee ay ku biirayeen Somaliland ay qasabtay daryeel la’aan dhinaca Puntland ka qabsatay haddana ay dhiaca kale sidii oo kale ku arkeen.

Waxaa uu Faarax ballan qaaday in Ciidamadaas oo uu sheegay in degaankaas ay u dhasheen aysan bar kale la kulmeynin wixii hore uga waday degaannadooda isagana dhabarka u ridanayo daryeelkooda.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...