Puntland Oo War Ka Soo Saartay Joojintii Xaflad Lagu Taageeri Lahaa Ra’iisul Wasaare Kheyre

0
298

Waxaa soo baxyay warar sheegayay in Amar ka soo baxay Madaxtooyada Puntland xalay lagu joojiyay Munaasabad lagu teegeeri lahaa Waxqabadka Xukuumadda R’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ee mudada sanadka aheyd taas oo lagu qaban rabay Magaalada Gaalkacyo.

Puntalnd ayaa Caawa War ka soo saartay joojinta munaasabadaas,waxana War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada & ciyaaraha lagu sheegay in maalmahaan ay soo baxeen Ururo ku qaraabanaya Magaca dhalinyarada kuwaas oo dhibaato ku ah Nabadgelyada iyo Siyaasada Puntland.