Puntland oo xirtay dhalinyaro ay la xiriirisay Al-Shabaab.

0
264

Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka koofureed ee magaalada Garowe; ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo uu sheegay in uu  ugu shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin Alshabab.

Labadaan nin ayaa la socday Gaari waday Ari’ kana amba baxay Magaalada Baladweyne Bartamaha Soomaaliya, waxa uuna kusii wajahnaa Magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Nugaal gaashanle Faarax Cabdiaxmaan Warsame (Galangooli) ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ammaanka ay baaritaano ku hayaan.

Waxa uu sheegay in raggaan loosoo ekaysiiyay Caawiyaasha Wadada ee loo yaqaan (Kirishboyga) taasina ay keentay Shakiga Ciidamada ay ka qaadeen.

Taliye Faarax ayaa sidoo kale tibaaxay in ay xireen wadaha gaariga Raggaan ay saarnaayeen, maadaama uu sheegay in uu ka shaqeeyay in raggaan laga dhigo Kirishbooyada Gaariga, kadibna ay magaalada sii galaan.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa baaritaano kuwada raggaan, waxayna sheegeen in ay ugu shakisan yihiin Al-Shabaabnimo.

Hay’adaha Ammaniga Puntland ayaa sanadkii tagay Xogag ay la wadaageen Sirdoonka Dowladda Federaalka ayaa loogu sheegay in dhalinyaro katirsan Al-Shabaab oo ku wajahan deegaanada Maamulkaasi.