Qeybo kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo Xiran,

0
314

Wadooyinkaan waxaa xiray Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna u diideen isticmaalka gaadiidka qeybihiisa kala duwan, inkastoo dadka ka rawaaxay Shaqooyinka ay ku lugeynayeen (Cagahooda Maalayeen).

Xirnaashiyaha Wadooyinka ayaa Galabta soo bilaabatay, waxayna Ciidamada Dowladda si gaar ah u xireen inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir illaa Wadada Gasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay xiran tahay Wadada dheer ee isku xirta KM4 illaa Afisiyooni, lama sheegin sababaha rasmiga ah ee wadooyinkaan Ciidamada Dowladda ay u xireen.

Hiranweyn  ayaa heshay in sababo dhowr ah Wadooyinkaasi loo xiray oo ay kamid yihiin:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo isticmaalaya Wadooyinka Xiran, iyo Wafdiga Berri kusoo wajahan Muqdisho ee ka socda Turkiga.

Wafdiga Turkiga ee Muqdisho Imaanaya waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu oo haatan ku sugan Wadanka Suugaan oo uu shalay gaaray.

Kolka uu Hakan Çavuşoğlu Muqdisho berri soo gaaro waxa uu qorshuhu yahay in uu la kulmo Madaxda Dowladda ugu sareyso, lama sheegin waxyaabaha ay sida dhabta ah ay ka wada hadlayaan.