Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

0
27

caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Soo dhoweyn ka dib Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doona madaxda Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here