Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Rabshado ka jira magaalada Dire-Dhab

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xidhan yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday.

Waxaa sidoo kale suuqa ku dhex jira dhalinyaro isku magacawday Qeeroo oo ah dhalinyarada rabshadaha wada, waxayna dhagax shiidayaan tukaan walba ama goobta ganacsiga ee furan.

Haddaba saakay ayaa magaalada Dire-Dhabe waxaa laga dareemayaa cabsi xooggan oo laga qabo in ay sii kordhaan rabshaduhu, taasoo keentay in dadku ay guryaha ka soo bixi waayaan,, meheradaha iyo goobaha ganacsiguna ayaa xiran sida Bangiyada, Xawaaladaha iyo Tukaamada laga adeegto.

Rabshadihii u xoogganaa ayaa haatan waxay ka soconayaan  gaar ahaan xaafadda Gande, iyo dhinaca Lagahare ka socda rasaas xooggan oo ay Askarta Booliska Fadaraalku ay ku ridayaan Rabshad wadayaasha oo hadda iyaguna billabay in ay taayaro gubaaan iyagoo Askartana dhagax shiidaya.

Rabshadahan ayaa socon doona ilaa dhawr maalmood oo dambe, sida ay ku goodinayaan dhalinyarada Qeeroo ee iyagu wada rabshadaha.

Qeeroo waa dhalinyaro Oromo ah oo kacdoonka wada waxayna si toos ah uga amarqaataan Jawhar Maxamed oo inta badan ah ninka Kacdoonada Itoobiya ka socda abaabula, wuxuuna ku nool yahay dalka Mareykanka,

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbi doonnaa

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...