Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Ra’iisal wasaare soo saaray hees iyo dood arintaa ka dhalatay

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Ra’isulwasaaraha dalka Thailand Prayuth Chan-ocha ayaa soo saaray hees cusub , taas oo lagu baahiyay barta Youtube-ka.

Dad badan ayaa waxaa ay u qaateen in heestan in loogu talo-galay maalinta jacaylka oo ku beegnayd shalay oo ahayd 14-ka bisha Feberaayo.

Balse afhayeen u hadlay militariga dalkaas xukuma ayaa meesha ka saaray arrintaas.

Dadka lama aysan dhicin heesta, iyada oo 25 kun oo qof ay saartay calaamadda suulka hoosta u jeeda oo loola jeedo ‘kama aanan helin’, halka 1000 qof oo kaliya ay saartay calaamada suulka kor u jeeda ee micnaheedu yahay ‘jamashada’.

Dadka naqdiya xukuumadda militariga dalkaas ayaa sheegay in aysan u baahneyn hees cusub, balse u baahanyihiin doorashooyin cusub.

Heesta oo uu qorey Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa qaaday askari daacad ah, waxaana lagu magacaabaa Wadnaha Dheemanka ah, taas oo gabadh lagu amaanayo, balse lagu matalayo dalka Thailand.

Waxa kale oo ay heesta ka hadlaysaa in caqabadaha laga gudbi karo iyo casharo cusub oo maalin kasta la baran karo.

Muddo 12 jeer ah ayay militariga qabsadeen dalka kadib markii uu soo afjarmay xukunkii boqortooyada sanadkii 1932-dii.

Xigashada Warkan : BBC

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...