R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha.
Mudane Maxumed Xuseen Axmed ayaa ah khabiir Wax ka Badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arimaha Gar-gaarka, isagoo la soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku cad CV-giisa oo aan Noqol kamid ah helnay.
Unugan Isku Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo Muddo soo jiray ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha, kaasoo ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhowr mar ku celceliyay tan iyo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlusunna in Shabaab laga saaro deegaanada ay ka joogaan gobolka Galgaduud laakin aan weli warkaas waxba ka soo bixin.