Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Saddex Koox Oo Dalab Ka Gudbiyay Weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette

Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Kooxaha Serie A ayaa isku heysta weeraryahanka kooxda Arsenal Alexandre Lacazette kaasoo aan ku qanacsaneyn sii joogista Magaalada London.

Calciomercato.com ayaa sheegay in Lacazette uu ka fiirsanayo xiisaha ay u hayaan kooxaha ugu waa weyn dalka Talyaaniga.

Ciyaaryahanka reer France ayaa waayay booska jogtada ah ee kooxdiisa tan iyo markii uu yimid Pierre-Emerick Aubameyan, taasoo ku dhiiri galineysa inuu dhaqaaqo.

Inter Milan, AS Roma iyo Juventus ayaa dhamaantood isha la raacaya xaalada weeraryahanka, iyadoo seddexda kooxood ayaa isku diyaarinayaan inay dalab gudbiyaan xagaaga soo aadan.

Lacazette ayaa haatan qaliin looga sameeyay jilibka, waxaana uu maqnaan doonaa muddo lix isbuuc ah

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...