Saddex Koox Oo Weli Ku Faani Kara Inuusan Gool Ka Dhalin Lionel Messi & Kooxaha Uu Ugu Jecelyahay La Liga

0
432

Dunida ayaa hoos udhigtay kubbada cagta si ay u sharaxdo kaliya awooda Lionel Messi kadib bandhig kale oo uu sameeyay kulankii Sabtidii 6-1 ay kaga badiyeen Girona La Liga.

Messi ayaa goolka barbar dhaca ah ka caawiyay Luis Suarez ka hor inta uusan Barcelona gool kale u dhalin.

Waxa uu ku daray goolka seddexaad ee kooxdiisa kadib laad xor ah oo loo dhigay, ka hor inta Suarez iyo Philippe Coutinho dhalin goolasha kale.

Guushaas ayaa waxay la micno aheyd in kooxda reer Catalans ay haatan sameyso rikoor cusub oo ah 32 kulan oo aan laga badinin La Liga.

Barcelona waxay haatan u baahan tahay in ay guuldarro iska ilaaliso 13 kulan oo ka haray horyaalka si ay u noqdaan kooxdii ugu horeysay ee La Liga hanata iyadoo aan laga badinin tan iyo 1930-kii markaasoo kaliya 18 kulan la ciyaari jiray.

Lionel Messi oo kooxdiisa ka caawiyay inay 7 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamiso La Liga, waxaa uu sidookale soo gabagabeeyay sideed kulan oo uusan wax gool ah ka dhalin Chelsea.

Ka dib goolkii uu ka dhaliyay Girona, haatan waxaa jira kaliya seddex koox oo Spain ah oo ku faanaya inuusan waligiis gool ka dhalin xiddiga reer Argentine.

Waxa uu dhaliyay 530 gool keliya 620 kulan oo uu u saftay Barcelona tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeyay ciyaaray 2004tii.

Messi ayaa ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo kooxda Cadiz, oo uu kaliya hal jeer wajahay, Murcia iyo Xerez oo min laba jeer uu ka horyimid.

Si ka duwan taas Messi ayaa goolasha ugu badan ka dhaliyay Sevilla, waxa uu wajahay 22 kulan isagoo ka dhaliyay 23 gool, waxaana kusoo xiga Atletico Madrid, Osasuna iyo Valencia.