Shabaab oo soo bandhigay magaca ninkii kaxeynaayay gaarigii ku qarxay afaafka Madaxtooyadda

0
293

Al Shabaab ayaa soo bandhigay magaca shaqsigii labaad ee kaxeynaayay gaarigii ku qarxay afaafka hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya, kadib weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen afaafka Madaxtooyadda iyo Hotelka Dorpin ee Magaalada Muqidsho.

Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi oo Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Anas) ayaa wuxuu noqday ninkii ka xeynaayay gaarigii xoogga ku jiiray Koontaroolka Sayidka, kadibna ku qarxay afaafka hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Maxamed C/raxmaan ayaa ka soo jeeda deganada Baay iyo Bakool.

Da’diisa waxa ay aheyd 21-sano jir, wuxuuna ka tirsanaan jiray dagaalyahanadii Al Shabaab ee ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho, xilligii Shabaab furamaha dagaalka Shabaab ay ku lahaayeen Muqdisho.

Shabaab ayaa horay u soo bandhigay ninkii isku qarxiyay Hotelka Dorpin.