Tababare Antonio Conte oo ka hadlay go’aankii uu Nemanja Matic ugu ogolaaday ku biirista Man United

0
272

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu qirtay inay nasiib darro aheyd inuu xiddiga qadka dhexe ee reer Serbia Nemanja Matic ku biiro Manchester United haatanna yahay ciyaaryahan ka tirsan Red Devils.

Matic ayaa muhiim u ahaa kooxdii Chelsea ee hanatay koobka horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, balse waxaa loo ogolaaday inuu 40 milyan oo ginni ugu wareego Man United xagaagii lasoo dhaafay.

Nemanja Matic ayaana ka hor imaan doona Chelsea kulanka galabta oo Axad ah ka dhacaya garoonka Old Trafford, tababare Conte ayaana daaha ka qaaday inuu ka qoomameynayo inuu xiddiga reer Serbia ka diray garoonka Stamford Bridge.

Conte ayaa saxaafadda u sheegay: “Wax wanaagsan oo keliya ayaan ka sheegi karaa Nemanja Matic maxaa yeelay waa ciyaaryahan wanaagsan oo inoo ciyaaray xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

“Waxaan u maleynayaa inuu Matic ka mid ahaa ciyaartoydeennii ugu muhiimsanaa ee inoo qaaday koobka horyaalka.

“Hadda Matic wuxuu u ciyaarayaa Manchester United taasoo aan nasiib darro u dareemayo. Waxaanse u rajeynayaa wanaag oo dhan. Keliya ma ahan kulankeenna Axada, balse mustaqbalka oo dhan.”