Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar oo xalay la kulmay laamaha amniga KGS

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa la kulmay laamaha amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

Shalay magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliye Mukhtaar, ujeedka Safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa ah in Magaaladda Baydhabo uu uga qeyb galo wajiga Labaad ee Shirka Booliska Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo halkaasi ka furmaya.

 

 

Gen. Mukhtaar iyo saraakiisha la socota ayaa kulamo gaar gaar ah oo is xog wareysi ah la qaatay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Gen. Mahad C/raxmaan Aadan iyo saraakiil kale.

Kulamada dhinacydan ayaa waxaa looga hadlay baahiyaha dhanka amni ee ka jira degaanada Koonfur Galbeed, waxayna isla meel dhigeen qodobo dhowr ah, oo la xiriira ammaanka degaanada Maamulka.

 

 

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaa Safarka ku wehlinaya dhammaan Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaradaha Amniga maamulada dalka ka jira.

 

 

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinkooda laga soo saaray Ciidamo cusub, kuwaasi oo sugidda amniga ka qeyb qaadanaya inta Gen. Mukhtaar iyo wafdigiisa ay ku sugan yihiin halkaasi.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...