Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo maanta xilka la wareegay

0
213

Munaasabad lagu qabtay Xabsiga dhexe ee Xamar ayuu maanta xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Somaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca,  isagoo xilka kala wareegay Taliyihii hore S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan waxaana Xafladda xilwareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda, xildhibaanno ka tirsan Baaralamanka Federaalka ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

 

Taliyihii hore Ciidanka Asluubta S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda maxaabiista isagoo ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka Asluubta in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub.

 

 

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamaca,Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa ballan qaaday inuu dhameystiri diino mashaariicda lagu horumanayo Ciidanka Asluubta ee uu soo bilaabay Taliyihii hore.

Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka ah Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlay xafladda xilwareejinta ayaa xusay in Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay xoogga saari doonaan dhismaha maxkamadda dastuuriga iyo golaha adeegga Garsoorka oo labaduma laf dhabar u ah hay’adaha garsoorka dalka.