Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Thibaut Courtois: Qalbigaygu Waa Madrid, Haddii Ay I Doonayaan Waa Inay La Xiriiraan Chelsea”

Published on February 7, 2018 by   ·   No Comments

Thibaut Courtois ayaa sii watay wararka ku saabsan xanta suuqa kala iibsiga ee la xiriirineysa Real Madrid, isagoo sheegay inuu wadnihiisu yahay Madrid”, inkastoo uu wadahadalo heshiis cusub uu ku saxiixayo uu kula jiro kooxda Chelsea.

25 jirkaan oo qandaraaska uu kula joogo Chelsea dhacayo sannadka 2019, waxaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay inuu kooxda  Real Madrid.

Wareysi uu siiyay wargeyska Sport / Foot Magazine ee kasoo baxa dalkiisa Belgium, Courtois ayaa ku xaqiijiyay in wadahadalada uu kula jiro Chelsea ay sii socan doonaan, laakiin sidoo kale wuxuu ka hadlay sida uu u jecel yahay Madrid, halkaasoo labadiisa caruur ay ku noolyihiin.

“Xaaladayda shakhsiyeed waxay la xiriirtaa magaalada Madrid,” ayuu yiri “Labadayda caruur halkaa ayay ku nool yihiin, gabadheyda waxay ii sheegta in ay aad igu xiistay, Way yartahay inaan u sheego inta aan ka maqnaan karo.

“Markasta oo aan fursad helo, waxaan isku dayaa inaan ku laabto Spain, ma fududa wax walba, laakiin wadnahaygu wuxuu yaalaa Madrid ayuu yiri Thibaut Courtois.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin….

May, 26, 2018
Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin....

Akhriso:-Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeeray Wasiir Ka Tirsan Xukumadda

May, 26, 2018
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay u yeereen,isla markaana ay dalbadeen in uu hortago Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ...