Tirada dadkii ku dhintay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho oo korortay

0
260

Illaa 41 ruux ayaa ku geeriyooday weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo shalay maqribkii illaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho,kaasoo ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

 

Meydadka illaa 35 ruux ayaa la geeyay Isbitaalada Magalada Muqdisho , halkaasoo markii dambe labo ruux oo dhaawac ay ku geeriyootay.

 

Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa waxaa isugu jiree askar iyo dad rayid ah iyo kooxdii dableyda aheyd ee weerarka geystay.

 

Qaar kamid ah xarumaha Caafimaadka Muqdisho ayaa sheegay in 29 ruux ay ku dhinteen, kuwaasoo labo ka mid ah intii xaaladooda caafimaad lala tacaalayay ay dhinteen.

 

Carruur da’dooda ka hooseysay 10 sano jir ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay Isgoyska KM-0 ee nawaaxiga Ex Baar Fiat.

 

Qaraxa ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ayaa ahaa kii ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-0 oo ku dhow xarun Taliska Nabadsugida leeyihiin.

 

Qaraxyada shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, tan iyo qaraxyadii gil gilay magaalada Muqdisho bishii October.