Waa Kuma Xiddiga Leh Qaab Ciyaareedka Diego Maradona Ee Ka Ciyaara Premier League?

0
295

Tababare Mauricio Pochettino ayaa is barbardhigay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mousa Dembele iyo halyeyga xulka qaranka Argentina Diego Maradona.

“Waxaan horey u sheegay inuu yahay kubad qaabeeye leh xirfad weyn,” ayuu yiri tababaraha Spurs oo ka hadlayay awooda xiddiga reer Belgium.

“Waxaan aaminsanahay inuu yahay kan ugu fiican kadib Ronaldinho, Maradona, Jay-Jay Okocha, kuwaasoo aan nasiib u yeeshay inaan la ciyaaro.

“Aniga ahaan waa mid ka mid ah ciyaartoyda aan rumeysan karin, haatan waxa uu kujira xilli ciyaareed cajiib ah, waana uu u qalmaa in lala barbardhigo dadka ugu sarreeya kubadda cagta “ayuu yiri tababaraha Spurs.

Tottenham ayaa caqabad kala kulmeysa kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo kula dagaalamaya afarta sarre ee Premier League.

Tababaraha reer Argentin ayaa heysta koox buuxda oo uu xulan karo kulanka Crystal Place, iyadoo Toby Alderweireld uu kusoo laabtay tababarka.