Waa maxay sababta uusan Neymar JR u ciyaarin 11ka March – Afar sanno oo xiriir ah ma ciyaarin kulan dhacaya maalintaan!

0
283

Neymar JR ayaa muddo 8 Isbuuc ah ka maqnaan doona garoomada, mana ciyaari doono kulanka ay Paris Saint-Germain wajaheyso kooxda Real Madrid ee lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League.

Balse Neymar JR wuxuu awoodi doonaa inuu 11ka bisha Maarso si wanaagsan ugu dabaaldego dhalashada walaashiis Rafaella Beckran oo 22 sanno jirsan doonta – waana sannadkii afaraad oo xiriir ah oo ay tani dhaceyso.

Laba jeer ganaax ayuu ku maqnaa, laba jeerna dhaawac dartiis, markii uu Barcelona joogay seddax jeer ayuu 11ka bisha March ciyaar seegay taasoo keentay inuu xaflad dhalasho oo heer sarre ah u dhigo walaashiis Rafaella Beckran.

Markii afaraad oo xiriir ah ayuuna 26 sanno jirkaani sidaan sameyn doonaa.

Daafaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa hadda ka hor bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ku kaftamay in kooxdiisa Los Blancos ay tahay inay Neymar u ballan qaadaan fasax maalinta dhalashada walaashiis Rafaella haddii ay doonayaan inay si fudud ula soo saxiixdaan laacibkii hore ee Barcelona.

Xitaa haatan shaki ayaa ku jira haddii uu Neymar ciyaari karo kulanka furitaanka xulkiisa Brazil ay furitaanka Koobka Adduunka ku wajahayaan xulka Switzerland 17ka bisha June ee sannadkaan.