WAR DEG DEG Ah:-Doorashada Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka Oo Ka Bilaabatay Muqdisho

0
264

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka ka bilaabatay doorashada kursi ka banaan golaha shacabka gaar ahaan mid ka mid ah Beelaha dega gobolada waqooyiga.

Kursigaan ayaa waxaa Maanta ku tartamaya labo musharax kaliya kuwaas oo kala ah Musharax C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fataax Saciid Xasan.

Codeynta musharixiinta ayaa la filayaa in ay goordhow bilaabato,waxana Goobta xaadir ku ah labada musharax iyo Ergadii dooran laheyd oo gaareysa ilaa 51 Ergo.

Wixii natiijo ah ee ka soo baxa kala socda Hiiraanweyn.com