WAR DEG DEG AH Gudoomiyahii Olmypiga Gobalka Hiiraan oo iscasilay.

0
44

Cabdikariin Xasan C/lle ( Yaani ) oo ahaa Gudoomiyaha Olympiga Gobalka Hiiraan ayaa manta ku dhawaaqay  in uu isaga tagay Xilkii uu ka yahay Gudiga Ciyaaraha Gobalka.

 

 

 

Gudoomiye Yaani ayaa shaqo ka tagistiisa ku sababeeyay duruufo jiro aawgeed isagoo sheegay in uu Maamulka Gobalka ka waayay wax wada shaqeyn ah marka ay timaado hormarinta Sportska Gobalka.

 

 

 

“ Runtii Sportska ma ahan shaqo fudud waayo waxaa lagaa doonayaa in aan isku keynto dhalinyaro ku kala duwan aragtida Sprortska iyo dano kale  taas oo sababi karta in Sportska uu dhulka galo hadii aan la helin dhinacyo kale oo gacan ka geysta sida maamulka degaanka , xiriirka ciyaaraha Somaliya iyo maamul gobaleedka Hirshabelle “ sidaa waxaa yir Yaani,

 

 

 

Ka dib markii aan arkay in uu sii liicayo Sportska Gobalka waxaan go,aansaday in aan xilkii aan hayay iska wareejiyo anigoo mar hore la tashaday gudii Sportska aan ku mideysneen si hadii qof kale oo wax qaban kara uu meesha u yimaado .

C/kariin Xasan C/lee ( Yaani ) oo xilka Sportska Gobalka Hiiraan soo hayay Sagaalkii Sano ee la soo dhaafay mudadaasina waxaa uu Degmooyinka Gobalka iyo Magaalada Baledweyne uu ku qabtay ilaa 30 Koob waxaa uu isbadal ku sameeyay garoomadii ay ku ciyaari jireen dhalinyarada waxaana uu tababar heer gobal iyo caalami uu diray Garsoorayaal, maamul iyo macalimiin sports.

‘ tartankii ugu dambeyay ee lagu qabtay Garoonka Stadum Laqanyo waxaa ka qeyb galay ilaa 21 naadi oo xaafadaha Magaalada Baledweyne aan ka soo xulnay wuxuu ahaa tartan dhib badan waxaa uu socday ilaa 2 bilood waxaan soo gabagabeynay iyadoo aan wax qasaaro naf iyo maalba dhicin culeyska aan dareynay wuxuu ahaa taageero la,aan maamul iyo mid xiriirka ciyaaraha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here