WAR DEG DEG:-Ciidamada Dowladda Oo Goordhow La Wareegay Deegaanka Moqakori

0
257

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay saakay la wareegeen deegaanka Moqakori ee gobolkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

Ciidamada dowladda oo xalay Saqdii dhexe ka baxay degmada Maxaas ayaa weeraray deegaanka Moqakori,waxana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus ugu dambeyna ay ciidamada dowladda la wareegeen.

Dadka degaanka  ayaa soo sheegaya in haatan deegaanka Mokaqori ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda halka Ciidamada Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan duleedka deegaankaas.

Xaalada deegaanka Moqokori oo ka mid ah deegaannadii uu madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu u aqoonsaday degmo ayaa haatan ah mid degan balse dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in markale dushooda lagu dagaalamo.